Dowlada Somali oo jawaab kasoo saartay barnaamij ‘halis ah’ oo ay baahiyeen Al-Shabaab, iclaamisayna shirweyne

Bulsha:- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa jawaab adag kasoo saartay muuqaalo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ay ku baahinayeen afkaartooda, waxayna iclaamisay shirweyne ka dhan ah tallaabadaas.

Muuqaalladaas taxanaha ah ayaa Al-Shabaab waxay ugu magac dareen “Saa’a Maa Yaxkumuun,” waxayna ka hadlayaan qodobo ku jira dastuurka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay ka hor-imanayaan diinta Islaamka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa waxa lagu sheegay in ujeedka muuqaaladaas uu yahay cudur u sameynta afkaarta qaldan ee argagixisada iyo qiil u raadinta baneysiga dhiiga umadda Soomaaliyeed.

“Dhawaanahaan ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudur-daarto fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka, kuna magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muuqaaladaas ay si dhow ula socotay, islamarkaana ay diyaar u tahay inay mid mid uga jawaabto dhamaan qodobada ay ku xuseen doodooda, kuwaasi oo aan raad ku laheyn Diinta Islaamka.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweyne lagu iftiiminayo, loogana jawaab celinaayo doodad ururka Al-Shabaab u cuskatay kuna difaacayaan ficiladooda, si umadda Soomaaliya looga badbaadiyo dhagarta fikirka kooxda.”


Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay diyaar u tahay marwalba in si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah umadda Soomaaliyeed kaga yimaada kooxaha argagixisada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment