Mid ka mid ah beelaha Muqdisho oo boob lagu hayo kuraasteeda oo farriin u dirtay Rooble

Bulsha:- Qaar kamid Odayaasha, waxgaradka iyo culimada Beelaha Banaadiriga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kuraastooda si sharci daro ah loo boobayo.

Waxay sheegen in markii hore lagu soo koobay kuraasta, haddana aysan aqbali doonin in laga qaato kuraastaas, taasi oo ay sheegen inay carqalad ku tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

“Dadka dhahay kuraasta waa lama taabtan waa noo xiran yihiin, halkee ka soo gateen? Waxaa la metalaa umad Soomaaliyeed, oo waxaa la rabaa in umad Banaadir oo laga shaqeeyo midnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Waxaa rabnaa in kuraasta la furo oo cidkasta oo Banaadiri ah loo ogolaado inay tartamaan. Waxaa leenahay reer Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynahooda Lafta-gareen waa inay ka waantooban dadka ay noo soo dirayaan.”

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu garab siiyo cadaalada, islamarkaana uu wax ka qabto boobka lagu hayo kuraastooda oo ay sheegen inay iska xirteen dad gaar ah oo sheeganaya.

“In kuraasteena la soo fara-geliyo oo la yiraahdo anaga 2016-kii wax gad-gadinay, waxaa leenahay haddii Ilaahay laga cabsanayo Mudane Ra’iisul Wasaare wax hanaga weydiin nimkaas, guddigii hore ee maamulka.”

Khilaafka kuraasta Banaadiriga ayaa salka ku haya gacan ku haynta kuraastaas oo maamulkeeda uu sheeganayo guddigii hore ee 2016-kii iyo mid cusub oo ay sameysteen, sida ay sheegen qaar kamid ah odayaasha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment