Urur goboleedka IGAD oo ku dhawaaqaya go’aan saameyn culus u keenaya Kenya

Bulsha:- Hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo lagu wado in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, todobaadka dambe, ayaa waxay ku dhawaaqayaa go’aan culus.

Shirkaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha qaxootiga ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kasoo bixi doono go’aan ku aadan in Kenya aysan dalkeeda ka saari karin qaxootiga Soomaaliyeed.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa qeexaya in xukuumadda Nairobi ay durba bilowday dedaalo ay uga hortageyso arrintaasi, maadaama ay u aragto qadiyad ay cadaadiska ugu kordhin karto dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa waxay martigelineysaa qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dalkooda uga cararay xaalado la xiriira arrimaha xasilooni darro iyo gulufka ay wadaan dagaalameyaasha AlShabaab.

Go’aankan ayaa hadii uu si rasmi ah u soo baxo ayaa waxa uu noqon doonaa mid farxad weyn u ah Soomaalida qaxootiga ku ah waddankaasi, kuwaasi oo qorshoodu yahay in ay uga sii gudbaan wadamo kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment