Bulsha:- Hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo lagu wado in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, todobaadka dambe, ayaa waxay ku dhawaaqayaa go’aan culus.
Shirkaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha qaxootiga ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kasoo bixi doono go’aan ku aadan in Kenya aysan dalkeeda ka saari karin qaxootiga Soomaaliyeed.
Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa qeexaya in xukuumadda Nairobi ay durba bilowday dedaalo ay uga hortageyso arrintaasi, maadaama ay u aragto qadiyad ay cadaadiska ugu kordhin karto dowladda Soomaaliya.
Kenya ayaa waxay martigelineysaa qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dalkooda uga cararay xaalado la xiriira arrimaha xasilooni darro iyo gulufka ay wadaan dagaalameyaasha AlShabaab.

Go’aankan ayaa hadii uu si rasmi ah u soo baxo ayaa waxa uu noqon doonaa mid farxad weyn u ah Soomaalida qaxootiga ku ah waddankaasi, kuwaasi oo qorshoodu yahay in ay uga sii gudbaan wadamo kale.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment