Ajnabi xiriir la lahaa Al Shabaab oo lagu xiray dalka Mareykanka

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay xirtay ruux ajanabi ah oo la sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Ninka la xiray oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa ku eedeysan inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in hadda xabsiga lagu hayo islamarkaana baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale muwaadinka u dhashay Bangladesh Eedaha kale ee loo heysto waxaa ka mid ah in uu isku dayay in uu weerar ka geysto fagaaraha Time Square ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Rahatul Ashikim Khan ayaa lagu xiray gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, waxaana uu ku eedeysan inuu xiriir la leeyahay ururka Al Shabaab, walow aan xog dheeraad ah laga bixin qaabka uu xiriirka ula lahaa Al Shabaab.

Waxaa uu 2014-kii ka caawiyay dhalinyaro kale in ay u safraan Afrika kuna biiraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.
Ashiqul Alam, oo 22 jir ah ayaa la sheegay in uu taageere rasmi ah u ahaa hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment