Xiisad ka taagan Beledweyne iyo Dabageed oo ka horyimid Xil ka qaadista lagu sameeyay

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad adag ay ka taagan tahay xarunta maamulka Gobolka oo ku taala bartamaha magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday uu gabi ahaanba diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo inuu xilka wareejiyo.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Arinta ugu weyn ee guddoomiye Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne Toos loogu shubo Bangiga maamulka Hirshabeelle oo isaga uu maamulo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab.
Xiisadaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn  ida saacad kastaa xaalka uu noqon karo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment