Bulsha:- Dowladda Ingariiska ayaa taageero u muujisay Somaliland, waxaana ay sheegtay in ay ku taalla meel muhiim ah oo loo baahan yahay in la muujiyo Muhiimadda maamul ee Somaliland.
Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Britain Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso yar oo ku dhex taalla bad qas iyo dhibaato badan.
Waxaa uu sheegay in UK ay xiriir toos kala dhaxeeyo Somaliland, islamarkaana ay si wanaagsan ula socdaan Xaaladdaha Somaliland ayna UK leedahay Siyaasad Mustaqbal oo ku wajahan Somaliland
Waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan Soomaaliya laakiin Somaliland ay hora socod sameysay Sanadyadii ugu dambeeyay.
Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Britain Rory Stewart,ayaa sheegay in Ingiriisku taageeri doono doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka Somaliland.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment