Xog;- Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Shirka Jaamacadda Carabta ee Dalka Tunisia?

Bulsha:- Waxaa maanta la filayaa in magaalada Tunis ee dalka Tunisia uu  ka furmo shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo ah midkii 30 aad oo ay yeeshaan madaxda Jaamacadda Carabta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda shirkaasi lagu casuumay ee ka baaqday inuu kamid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka cudur daartay ka qeyb galka shirka.

Shirka maanta furmaya waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaayo ayaa la sheegay inuu shirkaasi kaga cudur daartay xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan arrimaha amaanka magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi kaga wakiil ah wasiirka arrimaha dibadda.

Shirkaasi waxaa markii ugu horeysay isku arkaya boqorka dalka Sacuudiga iyo amiirka Qatar oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhaxeeyo tan iyo sanadkii 2017, xiligaasi oo xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jareen Qatar.

Madaxda kale ee shirkaasi aan ka qeyb galeyn waxaa kamid ah madaxweynaha Masar, Sudan, Boqorada Imaaraatka Carabta iyo Morocco, waxaana dhamaantood ku matalaya xubno kale.
Axmed Ciise Cawad ayaa hadal ka jeedin doono shirkaasi oo waxyaabaha looga hadlayo ugu horeeyaan xaaladaha Falastiin, Yemen, Libya iyo faragelinta IRAN la sheegay iay ku heyso dalalka Carabta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment