Madaxweyne Geelle oo banaanka soo dhigay qiyaanada ay Imaaraadka ka wado Africa

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dowladda Jabuuti iyo Sharikadda Dekadaha Dubai.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhameysteen qodobadii ay ku heshiiyeen.

Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray.

Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka.
Mr Geelle ayaa intaas ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diideyso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegeyso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment