Xog Cusub Axmed Imaan Cali Abu Zinara ‘oo la dilay’

Bulsha:-   Dowladda Kenya ayaa ku dhowaaqday in hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab una dhashay dalkeeda lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Kenya waxaa ay sheegtay in Axmed Imaan Cali oo ku magaca dheer Abu Zinara, uu ka mid ahaa 40 ka mid ah Al-shabaab oo ku dhintay weerar Jimcihii ka dhacay Bu’aale.

Kenya waxaa ay intaas ku dartay in weerarkaasi ahaa duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Degmada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubada dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen 40 ka mid ah Al-Shabaab.

Axmed ayaa ahaa Injineer Beeraha iyo Tignolojiyadda ku taqasusay, waxaa uu wax ku bartay Jaamacadda Jomo Kenyatta,waxaana uu ku biiray AL-shabaab.

FBI-da Mareykanka ayaa sanadkii 2012kii waxaa ay Axmed Imaan ku dartay liiska argagixisada ee la doon doonayo.

Kenya ma sheegin cidda iska leh diyaaradaha duqeeyay Bu’aale,waxaana ay sheegeen in Axmed Imaan oo u dhashay dalkeeda kana mid ah saraakiisha ugu sarreysa Al-Shabaab uu ku dhintay weerarkaas.

Axmed Imaan ayey ku eedeysay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkkiii Ceel Cadde ee lagu dilay askar ku dhow 200 Askari, kaas oo dhacay sanadkii 2016kii.
Bishii July ee 2017-kii, Abu Zinara ayaa ka soo muuqday muuqaal loogu digayay Askarta Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Kenya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment