Cawad oo shaqadii ka ceyriyey agaasimihii Xafiiskiisa ee taageeray in xiriir lala yeesho Israel

Bulsha:- Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa shaqadii laga ceyriyey C/llaahi  Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad.

Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameysto Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulka Falastiin.

C/llaahi  Axmed Dool oo ah agaasimiha shaqada laga ceyriyey ayaa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Soomaaliya xiriir la yeelato Israel.

Dool waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel.

Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay Soomaaliya dan weyn ugu jirto inay soo dhaweysato Israa’iil.

Sidoo kale Dool ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inay  Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray,  gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas  oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Magaalada Barakeysan ee Qasa.
Qoraalka uu Agaasimaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed kaga falceliyeen inuu hadalkaan yahay mid doqonimo ah isla markaasna aysan marnaba macquul aheyn inay Soomaaliya raali ka noqoto xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel oo xoog ku heysato dhulal badan oo ay leeyihiin Muslmiinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cadaadis xoog leh iyo cambaareyn kala kulantay markii ay ka aamustay qaraarkii uu Trump ku sheegay inuu Israa’iil u aqoonsaday dhulkii ay 1967 xoogga kaga qabsatay Siiriya inkastoo markii dambe ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin in dhulkaas loo sharciyeeyo Israa’iil.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment