XOG: Sidee Ra’iisal wasaare Kheyre Arrimaha Ciidamada ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo?

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya waa taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Qalabka sida, waana mas’uulka ay hoos tagaan dhamaan talisyada ciidamada milateriga ee dalka, isagoo wajibaad dastuuri ah ka saaran yahay ciidamada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la doortay 8 Febraayo 2017, ballanqaadyadiisii ugu waaweynaa waxaa ka mida ahaa dib udhiska ciidamada iyo fallaagada Alshabaab lagu soo afjaro muddo 2 sanadood ah, taasoo su’aalo badan ka yimaadeen kadib mudaddii uu qabsaday markii ay dhammaaday.

Farmaajo wuxuu u howlgalay dib u habeynta ciidamada dalka oo muddo dheer ahaa kuwo kala firirsan oo lagu guuleysan waayey in laga dhigo ciidamo Qaran, taasoo keentay inuu xarun ka dhigto Wasaaradda Gaashaandhigga, kana bilaabo isbedelka dib u habeynta ciidamada.

Waxqabadka madaxweynaha ee dib u habeynta ciidamada ayaa noqday mid kooban muddo sanad iyo bar ah oo arrintan uu ku dhex jirayna waxaa ku adkaaday inuu wax weyn ka qabto howshii ugu adkeyd ee dowladiisa, marka laga reebo hoggaanada ciidamada oo la yareeyay iyo ciidamo cusub oo la qoray sida guutada 14-ka Oktoobar.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xogta waxay sheegeysaa inay kala qeybsadeen shaqada oo madaxweynaha loo xil saaray ciidamada, laakiin 2 sano kadib waxaa la arkay iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre faraha la galay arrimaha ciidamada.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu dib u habeynta ciidamada ku wareejiyay Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ay ugu wacan tahay arrimaha soo socda;

1- Dib u habeynta ciidamada oo noqotay mid ku adag Madaxweynaha.

2- Saraakiisha iyo ciidamada u baahan in la wajaho oo ku sugan Gobolka Banadir iyo labada Shabeelle, kuwaasoo u badan qabiil gaara oo madaxweynaha eed uga imaan karto.

3- Beesha Caalamka oo Ra’iisal wasaare Kheyre ka door biday inuu hoggaamiyo dib u habeynta ciidamada.


Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa ay gacanta la galaan arrimaha ciidamada, waxaana si toos ah uga shaqeynaya wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Diiwaangelinta ciidamada oo ahayd arrinta ugu adag ee hortaalla dowladda ayaa hadda gabagabo ku dhow, waxaana qorshaha dib u habeynta ciidamada ee uu wado Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhoweeyay beesha Caalamka, iyadoo faahfaahin laga sugayo inuu ka bixiyo shirar ka dhacaya magaalada Washignton ee dalka Mareykanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment