Xog: DF oo go’aamisay in ROOBOW awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha K/Galbeed

Bulsha:-   Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa 500 oo ciidan oo dowladda ay qorsheysay in la geeyo magaalada Baydhabo, ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu hor-istaago Roobow.

Ciidamadan ayaa 200 oo ka mid ah waxay dowladda gaysay Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la qorsheeyeyin  illaa saddex boqol oo kale lagu daro oo la gaarsiiyo 500.

Xukuumadda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay in ciidamada ay sugayaan amniga doorshada, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in lagu hor-istaagi doono Roobow.

“Qorshaha laga leeyahay ciidanka ayaa ah inay qabtaan xarunta doorashada ay ka dhaceyso iyo xaafadaha ku hareereysan oo Roobow laga hor-istaago inuu soo galo, waana ka go’an tahay dowladda” ayuu yiri mas’uul Koonfur Galbeed ka tirsan oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Tallaabada dowladda Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadaalladii kale ee la doonayey in lagu hor-istaago Roobow.

“Roobow waqti un buu iska luminayaa ee kama qeyb-galayo doorashada” waxaa isna sidaas yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Kheyre oo codsaday inaan la magacaabin.

Dhinaca kale, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ay ku taageersan yihiin dowladda tallaabada ay qaadeyso, inkasta oo aysan dooneyn inay ka hadlaan.

Cabsi aad u xoog badan ayaa ka jirta magaalada Baydhabo, waxaana jira maleeshiyo ku beel ah Roobow oo is urursi ka bilaabay magaalada, ayadoo aad loogu cabsi qabo dagaal ka dhaca magaalada.

Dib u dhacyada dhowrka ah ee ku yimid doorashada Koonfur Galbeed ayaa sabab looga dhigayaa arrintan.
Dhinaca kale, dowladda ayaa mar isku dayday in doorashada loo soo wareejiyo Muqdisho, balse waxaa laga cabsaday in taasi ay bixiso sawir qaldan oo ah in dowladda afduubaneyso doorashada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment