Daawo:- Musharixiinta Puntland oo ka hor-yimid go’aankii Gaas lana saftay Camey

Bulsha:- Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharixiinta ayaa waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,hayeeshee ay ka soo horjeedaan guddigii uu shalay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Cali Gaas Magacaabay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka.
Waxa ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment