Wasiir Beyle Oo Safar Deg Deg Ah U Aaday Maanta Nairobi & Cida Ka Dambeysay Inuu Baxo

Bulsha:- Wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu safar deg deg ah Ku Aaday Dalka Kenya Caasimada Magaalada Nairobi.

Dr Beyle waxa uu socdaalkani aaday xilli uu wajahayo Xaalad adag,buuq isaga uu abuurayna Golaha Shacabka uu ragaadiyey Shaqadiisiina cuuryaamiyey maadama Kulamadii Baarlamaanka ay hakad ku jiraan.

Wasaarada Maaliyada Ee C/raxmaan Beyle hogaamiyo waxa isbuucii hore lagu Eedeeyey Xatooyo Xoolo Dadweyne,sidaa awgeedna loo baahan yahay Cadeymo inuu keeno lacagihii Sacuudiga ku yaboohay halka lagu bixiyey.

Wasiir beyle waa uu beeniyey inuu musuq maasuqay Lacag malaayiin ah,waxayna taas keentay in gudigii Maaliyada Ee Golaha Shacabka soo banaanbixiyey la kala diro.

Beyle ayaa safar iska aaday Nairobi,isagoo durba la kulmay Madaxda Hay’ada Lacagta Adduunka Ee IMF,isagoo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka “Waxaan dib u eegeynaa meesha aan joogno iyo inaan qorsheyno meesha aan ku socono safarkeena maaliyadeed ee isbuucan. Inta badan ayaa la gaaray ” Mahadsanid
Lama oga waxa kusoo beegay Safarkaan C/raxmaan Beyle Nairobi u aaday,warar ayaa sheegaya in R/wasaaraha uu diray inta buuqaan ka dhamaanayo,Ee Tooshka lagu Ifinayo Xukuumada iyo Wasaarada Maaliyada,taas oo Xildhibaanada qaar ay Fadeexad kasoo gudbiyeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment