Biixi oo si kulul u dhaliilay Siyaasada Farmaajo

Bulsha:- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay golaha wasiirada Soomaaliya iyo madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay dib u furayaan wada hadalkii Somaliland iyo Sooomaaliay u dhexeeyey oo ay  doona-yaan in ay dalka dib u mideeyaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu marayo jidkiii uu maraya Maxamed Siyaad Bare ee 1988 kii uu ula heshiiyey Itoobiya si jabhadii ku kacsanaa loo soo xareeyo.

“Golaha wasiiradda Soomaaliya waxay yidhaahdeen wada hadaladii dib soomaaliya loogu midaynayey ayaa la anboqaadayaaa, mar hadii aan Gu’mooyee garaad kuu kordheen waa mushkilad. Qolada Xamar ku shiraysay waxaan leeyahay sodan sanno oo heegan, dood muran ahaa, toban sanno oo halgan hubaysan ahaa iyo 27 sanno oo Somaliland xor ahayd ninka maanta yidhi Somaliland baanu dib soomaaliya ugu soo celinaynaa dee caqli ma leh.”ayuu yidhi Biixi.

Mar uu ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Farmaajo waxa uu yidhi “madaxweynahoodu wuu hadlo wuxuu yidhi kolba qoladii sooomaaliya neceb baa cadowga u tagoo hub ay soomaaliya ku kala jarayaan usoo qaata, aad iyo aad baan ula yaabay caqli gaabnida nin dhan ee madaxweyne ah, waxa uu ka fikiraa wadadii uu Siyaad Bare ka fikireyy 1988 kii, wakhtigaasi markii jabhadii SSDF, SNM iyo SPU markii dimuqraadiyad ka wayday ayey qoriga qaateen, markaasu u tagay Mingiste oo uu ku yidhi waxaad doonto waan ku saxeexayaye jabhadaha isoo xaree, isagoo Adddis ababa ku wada caweynaya ayey SNM dalka soo gashay oo ay xoreysay, ma maantaad leedahay soomaali waan midaynaya miyaad dadka waraysatid hadii aanad taariikhda hayn, soomaali dhaqanka , dint aiyo afka way ka midaysan tahay laakiin maamulkay ku kala duwan tahay.”

“Soodigan dadkii mucaaradka ahaa ku laynaya guryahoodii, Xamar baa garaacaysa oo cadow u soo kireysanaysa kii kula hadla, adigoo ajanabi ku ilaaliyaad soo bu’aysaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in aanay dib ula hadleen hadii aanay garwaaqsan madax banaanida Somaliland, isla markaana mag dhow ka bixin wixii dawladii hore ee Soomaaliya ku samaysay shacabka Somaliland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment