Daawo:- Madaxweyne Erdogan Oo Bahdil Ku Sameeyey Dhaxal Sugaha Sacuudiga Markay Isku Arkeen Argentina

Bulsha:- Shirka Ganacsiga Dallaka Barwaaqo Sooranka Ee G20 ayaa waxa uu ka furmay Waddanka Argentina,iyadoo Madax kala duwan ay ka qeyb galeyso.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Shirkaas xaadiray ayaa isbuucii hore codsaday in lala Kulansiiyo Madaxweynaha Turkiga Raccep Dayib Erdogan,inkastoo Hogaamiyaha Turkiga uu diiday.

Waxa La arkayey Sawirro laga soo qaaday Shirkaas iyadoo Madaxweyne Erdogan oo wejigiisa Xanaaq ka muuqdo isla markaana Ag maraya Dhaxal sugaha Boqor tooyada Sacuudiga.

Erdogan ayaa ka careysan falkii foosha xumaa ee 60 cisho ka hor loogu geystay Waddankiisa Wariye Jamaal Khashoghi islamarkaana lagu Eedeeyey in Maxamed Bin Salmaan Abaabulay Khaarajintaas.
Sawirada ayaa lagu faafiyey Baraha Bulshada Ee Internet-ka kaas oo Erdogan uu salaanta ka qaadi waayey Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment