Kheyre oo ka Careysan, Wasiir Xilkeeda Muran ku jiro & Hadal Xukuumada Kashifay

Bulsha:- Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Cadaadis xoog leh ay wajaheyso Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khadiija Maxamed Diiriye oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre kusoo jeedisay xiisad culus ka dib markii ay qiratay in Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, isagoo ka cabsanaya Xukuumadda awgiis.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in Kheyre uu ka carooday Hadalka aan ka fiirsiga laheyn oo xaalada ay kusii kicisay Khadiijo, iyadoona lagu bilaabay cadaadis iyo amaro culus oo ay kala kulmeyso Ra’iisul wasaaraha.

Kheyre ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu Khadiijo Maxamed Diiriye Warqeeda xilka qaadista gacanta ka saaro hadii aysan la imaan Talaabo ay raali galin kaga bixineyso Hadalkaasi oo rumeeyay Tuhun dad badan ay ka qabeen in Xukuumadda ay keensatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhankeeda ku andacooneysa in ujeedka Hadalkeeda uusan aheyn inay Xukuumadda kusoo jeediso eedaha loo jeedinayo balse ay dooneysay inay cadeyso in Guddoonka hawsha Go’aanka ay gaareen uusan wax ka bedeli karin Guddoomiyaha Golaha oo maqan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Khilaaf xoog leh uu u dhaxeeyaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada kadib markii Guddoonka uu kala diray Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka oo Warbixin dheer kasoo saaray Musuq Maasuq lagu helay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment