Wararkii ugu Dambeeyay Khilaafka Gudoonka iyo Xildhibaanada BFS (Kulanka Maanta oo Baaqday)

Bulsha:- Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa maanta ka baaqanaya kulankii 3-aad oo xiriir ah, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada qaar.

Sababaha loo baajiyay kulamadaan wararka qaar waxa ay sheegayaan in laga baqdin qabo muran ka dhasha khilaafka in uu fadhiga saameeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kusoo wajahan si uu u saldhigo Muran siyaasadeedka ka dhex jira Guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano katirsan Golaha.

Maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada ayay Xildhibaanada kulamadooda Caadiga ah yeelan jireen, fariin ballameedka fadhiga waxaa loo diri jiray 24-saac kahor si ay ula socdaan Ajendaha Maalintaas ay ka hadlayaan.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka iyo Xildhibaanada qaar waxa uu ka dhashay Lacag la waayay halka loo isticmaalay sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada.

Guddiga Maaliyadda ee la kala diray ayaa warbixino ay soo saareen waxa ay ku sheegeen $50 Milyan oo Doolar oo boqortooyada Sacuudiga ku deeqday $20 Milyan kamid ah la waayay, inkastoo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in la hayo lacagtaas.

Gudoomiye Mursal oo shalay la hadlay VOA ayaa sheegay in maanta uu dalka dib ugu soo laabanayo si uu xal ugu gaaro is qab-qabsiga ka dhex jira ku xigeenadiisa iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Afhayeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal waxa uu ku sugnaa Dalka Turkiga, waana tan keentay in ku xigeenadiisa ay fadhiga Shir Gudoomiyaan.
Lama ogo waxa uu ku soo kordhin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Muranka sababay in fadhiyada Golaha uu baaqdo, waxaana la sugayaa waxa uu ka badalo Xiisad Siyaasadeedka Taagan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment