Dhacdo:- Nin qurbaha ka yimid oo gabar uu awoowe u ahaa ku xaday Xamar kadib sheeko uu alifay

Bulsha:-   Wararka laga helayo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada ayaa sheegaya in nin uu xaday gabar uu awoowe u ahaa kadib markii uu sheeko uu ka qaato soo dejiyey, sida hooyada dhashay gabadha ay sheegtay.

Odayga oo magaciisa lagu koobay MAQSUUD aya la sheegay inuu dhawaan dibadda kasoo laabtay, waxaana uu afduubay gabadha uu ku sugneyd guriga ay ka degenaayeen xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka Dheer.

Odayga ayaa tagay Xaafadda Ubax oo ah hooyada Gabadha Dhashay oo uu abti u ahaa, waxaana gabadha uu kasoo kaxeeyay guriga isagoo markii ugu dambeysay sheegayay inuu Talaal caafimaad geynayo.

Waxaa markii uu soo qaaday kadib laga wacay taleefankiisii gacanta, waxaana uu u sheegay Hooyo Ubax inay ka sabarto gabadha, “Ka sabar Gabadhaan Mid kale alle haku siiyo”, kadibna wuxuu dansaday taleefankiisii oo ilaa iyo hadda dansan.

Warar soo baxaya oo dadka deegaanka ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in odayga uu dhaqaalo ka doonayo gabadha uu abtiga u yahay, walow aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn halka uu la aaday Gabadha yar.
Waa dhacdo ku cusub dadka deegaanka Siinka Dheer, laakiin magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay in la afduubto caruurta kadibna oo xubnaha muhiimka ah lagala baxo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment