Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

Bulsha:-   Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa saacadahihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxa ayna ciidankan xarumo ka sameesteen xeryo kuyaala Dhuuso Mareeb.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay ka tageen xero ay ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan tababaray Mareykanka.

Saraakiisha ciidankan gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in laga bilaabo gobolka Galgaduud.

Madax katirsan maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay lana kulmay saraakiisha ciidanka Kumaandooska hogaaminaya, waxa ayna labada dhinac iska wareesteen sida macquulka ah ee howlgalada lagu bilaabi karo.

Al Shabaab ayaa maamusha degmooyin badan oo kuyaala gobolka Galgaduud, waxaana marar badan isku dayo lagu doonayay in Al Shababa looga saaro gobolka Galgaduud kusoo dhamaadeen fashil.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment