Xog Cusub: Abiy Ahmed oo Muuse Biixi ku ciqaabaya xiriir uu la sameeyey Gaas, Xasan Sheekh iyo Madoobe

Bulsha:- Maamulka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xogtan xasaasiga ah ee aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu ciqaabayo dowladda Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in tani ay tahay dharbaax lama filaan ah oo madaxweynaha Somaliland kaga timid Abiy Ahmed, oo sidoo kale ciidamada Liyu Boolis usoo diray xuduudda si ay u kala dhex-galaan beelaha Dhulbahante ee dagaalamaya, taasi oo Somaliland ka carreysiisay.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy Ahmed ayaa rumeysan in Somaliland ay xasilooni darro siyaasadeed ku abuureyso dowladda dhexe ee Muqdisho.

Ethiopia, ayaa sida aan xogta ku helnay ogaatay, in Muuse Biixi uu xiriir hoose la sameeyey Axmed Madoobe, Cabdi Weli Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo qorshuhuna yahay in loo midoobo cadaadis ka dhan ah dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay, uuna haysto taageerada madaxweynaha dowladda Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Dhulbahante ee ku dagaalamaya gobolka Soo lee Somaliland ay sheegato, kuwaas oo lagu heshiisinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Muuse Biixi.
Muuse Biixi, oo sida la sheegay garwaaqsaday dhaawaca siyaasadeed ee dagaalka beelaha Dhulbahante uu gaarsiiyey, ayaa isku halaynaya afhayeenka baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo beeshaas kasoo jeeda, isagoo doonaya inuu dhex-dhexaadiyo Dhulbahante, qorshahaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment