Daawo Sawirada:- Musiibo Dad badan oo ku dhinteen oo ka dhacday dalka Indonesia

Bulsha:- Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin  kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka.

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri.

Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed.
Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment