Deg-deg: Aqalka Sare Oo Ansixiyey Sharciga Kheyraadka Biyaha iyo Hey’adda Maareynta Biyaha

Bulsha:- Senatorada golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa goordhow ansixiyey sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.

Weriyaha Goobkoog News ee aqalka sare ayaa soo sheegay in kulanka uu ku firmay 34 Senator, codeyn gacan taag ah oo la geliyey sharciga,  ma jirin wax diiday ama ka aamusay, oo dhammaan gacantaag ayey ku meel-mariyeen.

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka doodayey in muddo ah, waxaana sidaas ku soo xirmay sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.

Horay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 28aad,kalfadhigii 2aad ku ansixyey sharciga.  Kulanka oo ay joogeen 150 xildhibaan, 147 Xildhibaan ayaa ogolaatay codeynta loo qaaday hindise sharciyeedka Biyaha halka 3 Xildhibaan iska diideen.
sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka ayaa hadda waxaa uu aadayaa xafiiska madaxweynaha, si uu saxiixo, kadibna lagu daabaco faafinta rasmiga ah.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment