Fanaan caan ah oo codsi yaab leh u diray Madaxweyne Donald Trump

Bulsha:- Pharrel Williams oo ah fanaan u dhashay dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo isticmaalka heestiisa Happy, taasoo laga ciyaaro isu soo baxyada uu Trump ka hadlo.

Maalinkii sabtida, isu imaatin ka dhacay gobolka Indiana oo uu Trump ka qeybgalay ayaa laga daaray heestaas.

Munaasabadan ayaa la qabtay saacado ka dib markii weerar lagu qaaday macbad Yuhuudda ay leedahay lagu laayay 11 qof.

Pherrel oo warqad soo marsiiyay garyaqaankiisa ayaa sheegay in aysan jirin wax farxad ah oo ku jirta in dad la laayo, Sidoo kale waxa uu sheegay in aanan ogolaansho looga haysan isaga in heesta la isticmaalo.
Garyaqaanka heesaaga ayaa sheegay in Parrel uusan Trump siinin, siina doonin ogolaanshaha isticmaalka heesta oo ah mid xuquuqdeeda ay isaga u illaashantahay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment