Somaliland ”Saldhigga Bar bara ee Imaaraatka Carabta waxaa looga duulayaa dalka Yeman”

Bulsha:-  Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa ka dhisayso magaalada Barbara saldhiga militarey oo lagu mran sanyahay sharci ahaantiisa waxa ayna uga duuli doontaa dalka Yemen oo inta badan ay maamulaan kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta.

Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka maamulka soomaalilanad  u jooga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxa uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen.

“Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noogu tababari doonaan ciidamadeena amaanka sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiri  Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta.

hadalkaan ayaa sheegay  wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida maanta lagu qoray Bogga BBC da.

Dawlada Imaaraatku waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen.
Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheeganaysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda laga soo weeraro.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment