Qatar oo ku baaqday in la eryo safiirka Imaaraadka, sheegtayna in qaraxyada Muqdisho…

Bulsha:-  Mid ka mid ah Taageeraayaasha Amiirka dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, sida aan ka soo xiganay Dhowr Wargeys oo Carbeed.

Taageerahaaasi oo Twitter-ka ku leh cinwaanka Al-Adam / Afdak Tamim ayaa sheegay inay sii socon doonaan Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali, inta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxyadda ka dhaca gudaha Somalia ma joogsan doonaan, haddii aan Safiirka Imaaraadka laga masaafurinin Somalia” ayuu yiri Taageerahaasi daacadda u ah Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.

Waxa kale oo uu ku baaqay in Albaabadda loo laabo Saldhigga Argagixisadda ee Somaliland ku leeyihiin Milliteriga Imaaraadka ee Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoogayaasha ayaa rumeysan in Aragtidiisa tahay cabsi cad oo gilgili kara Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Xildhibaanad Ubaax Tahliil oo ka tirsan BFS sheegtay inaysan Alshabaab oo keliya ka dambeeynin silsiladaha Qaraxyadda joogtadda ee ka dhaca magaalladda Muqdisho, oo ay ugu dambeeyeen kuwii Jimcihii la soo dhaafay ka kala dhacay 2 bar oo ay Ciiddanka DFS ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Isbitaalka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar oo uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin DF.

Radio Dalsan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment