Jawaari oo hadlay iyo Amiin Caamir oo Sawir la yaab leh ka sameeyay (Daawo)

Bulsha:- Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo Baarlamaanka Maxamed cismaan Jawaari ayaa si yaab leh u dafiray in ciidamo uu watay ay qabsadeen xarunta Baarlamanka, isagoo arintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray, wuxuuna xusay in Kaliya uu xarunta la tagay 11 askari oo dhar cad ah.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta golaha shacabka waxay la mid tahay, Madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Somalia, maxaa yeelay xarunta golaha shacabka anigaa ka taliya” ayuu yidhi Jawaari .

Mar uu ka hadlayey taliyeyasha ciidamada ee isaga ku eedeeyey inuu qabsaday xarunta baarlamanka ayuu sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, wuxuuna xusay inuu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad C/wali Muudey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad iney xoog ku qabsadeen xarunta Baarlamanka oo maanta ay tageen xildhibaano iska soo horjeeda oo labo ajende kala watay, halkaasna isaga dareeray markii Jawaari uu la galay ciidamo hubeysan.
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir ku muujiyey Habdhaqanka Gudoomiye Jawaari uu lasoo baxay, Wuxuuna sheegay inuu Cimrigiisa ceeb ku sagootiyey.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment