Arintani waxay qayb ka tahay heshiis Sucuudigu la galay AMC oo ah shirkadda ugu wayn dunida ee shineenooyinka oo bixisay ruqsadihii ugu horeeyey ee shineemooyin magaceeda ku shaqeeya lagaga furayo Sucuudiga.
Sida qorshuhu yahay AMC ay shan iyo toban magaalo oo Sucuudiga ku yaal ka fureysa afartan Shineemo shanta sanadood ee soo socda.
Sanadihii Todobaatanaadkii waxaa dalkaas ka jiray shineemooyin laakiin waxa la xiray markii saamaynta wadaadada Muslimiinta ah ee mayalka adag ay ku xoogaysatay dalkaas.
Saraakiisha Sucuudigu waxay leeyihiin in dalka laga furo baayac mushtarka madadaaladu, waa arin muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha himilada dib u habaynta dhaqaale iyo bulsho ee loo bixiyey hiigsiga 2030-ka.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment