Akhriso: Wasaarada Amniga oo war cad kasoo saartay Ammaanka Muqdisho iyo Ciidamada Xasilinta

Bulsha:- Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.

Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.
Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment