RW Kheyre oo si cajiiba uga jawaabay su’aalo laga weydiiyay Nabadgelyada Somalia

Bulsha:- Waxaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka socda shirka Forum Fragility 2018, oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh Somalia ayaa waxaa qaban qaabadiisa leh Bankiga Adduunka, waxaana diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada Somalia.

Ujeedka shirkaan ayaa la sheegay inuu yahay si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Shirkaan oo socda ayaa waxaa Su’aalo dhanka xaalada Somalia lagu weydiiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa la weydiiyay suuragalnimada mudada ay Somalia ku gaari karto xalka laga sugaayo, waxa uuna tilmaamay inay ku xirantahay daacadnimada adduunka.

Madaxa Bankiga Adduunka ayaa Ra’isul wasaare Kheyre weydiiyay waxa ugu wacan in Somalia ay ka gudbi la’ dahay dhibta heysata, waxa uuna farta ku goday inay tahay Saboolnimo iyo adduunka aysan ka dhabeyn ballanqadyada ay Somalia u sameeyan.

Kheyre ayaa waxaa sidoo kale Su’aalo laga weydiiyay qorshooyinka sanadkan horyaal Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qeyb ka tahay tayeynta arrimaha Garsoorka, Nabadeynta dalka iyo in xal waara loo helo abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee weli ka jira dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa difaacay talaabooyinka ay Xukuumada Somalia ku dooneyso inay ku gaarto Nabada iyo Xasilooni waarta oo ka dhalata Somalia.
Sidoo kale, shirkan marka uu soo idlaado ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Khayre uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Geesta kale, waxa uu sidoo kale,kulamo la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo uu ka wareysan doono xaaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo sida ay uga qeybqaadan lahaayen is garabtaaga dowlada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment