Blogger Widgets

Muuqaal laga duubay Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi oo Safar kedis ah ku tagay dalka Shiinaha

Bulsha:-  Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi , Kim Jong-un, ayaa kulan kula qaatay magaalada Beijing madaxwaynaha Shiinaha , Xi Jingping, Wuxuuna  sheegay inay xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Kuuriyada Waqooyi ay wadahadal la yeelan doonto dowladda Mareykanka.

Waa booqashadiisii ugu horreysay oo uu dibadda ku tago tan iyo intii uu awoodda la wareegay 7 sano ka hor.

Christopher Hill waxa uu horey Mareykanka ugu qaabilsanaan jiray wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi ee barnaamijka Niyukleerka ayaa BBC u sheegay in kulankani uu yahay mid muhim ah.

Mr Kim aya lagu wadaa in bisha April uu la kulmo madaxwaynaha Kuuriyada Konfureed Moon Jae-in , halka madaxwayne Donald Trump lagu wado in uu la kulmo bisha May.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment