Itoobiya: Nin Muslim ah oo loo doortay Madaxa EPRDF, Laguna wado inuu Noqdo R/wasaaraha Cusub ee Itoobiya

Bulsha:- Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah.

Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.

Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment