Dowlada Soomaliya oo Dacwo ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha QM

Bulsha:-  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa ashtako ka dhan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay golaha ammaanka iyo madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka.

Qudbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magac baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxana ay qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Qudbadiisa ayuu sidoo kale danijre Abuukar Daahir Cismaan ku sheegay in heshiiska ay Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano kahor taasoo ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xadgudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Sidoo kale Danjire Abuukar Baalle ayaa walaac ka muujiyay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment