MUUQAAL: Fiqi oo Weerar ku qaaday Imaaraadka iyo madaxda maamullada

Bulsha:- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha dowlada Somalia, wuxuuna sheegay inay ilowday madaxbanaanida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay ka gudbi doonto halka ay iminka taagan tahay, isla markaana mar un ka jawaab celin doonto faragalinta ay kala kulmeyso Imaaraadka.

Axmed Fiqi wuxuu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in Imaaradaha Dubai iyo kuwa kale ee Imaaraadku leeyahay aysan ka raali noqon doonin faragalin ay ku sameyso Soomaliya, hase ahaatee aysan Somalia aqbali doonin in amuuraheeda ay soo faragaliso Imaaraadka. ‘’Waxaan leeyahay Imaaraadka idinma aan faragalin ee naga daaya faragalinta, waxaan taariikhda ku heysanaa in dowladeenii hore ay garab siin jirtay Imaaraadka xili ay heysatay dhibaato’’

‘’Tallooyinkeena waxaa kamid ahaa in Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ay u yeerto Safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar waxna ka weydiiso eedeymaha ay u jeediyeen si uu uga jawaabo’’

‘’Waxaan ka dooneynaa inuu madax-baneeyo amadax-banaanida Somalia oo uu faraha kula jiro’’ Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay ka xishoodaan markaana ay ku dadaalan Qaranimada Somalia.

Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku jiraan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada, wuxuuna cod dheer ku sheegay in arrin fool-xun ay tahay inay ka shaqeeyan howlo kale, isagoo ugu baaqay inay hoosyimaadan dowlada Dhexe.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment