Khasaaraha Qarixii Zoobe oo kordhay & Gudiga gurmadka Qaran oo soo bandhigay Jadwalkii ay ku maareeyen (Akhriso)

Bulsha:- Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo bandhigay qaraxyadii ka dhacay Bishii October ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe iyo Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho.

Gudiga gurmadka Qaran oo mudadii kasoo wareegtay Qaraxa ku howlanaa howlihii gurmadka qaran oo Somaali meel walbo oo ay joogto isu soo gurmatay ayaa mar kale soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka uu usaameyay qaraxii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.

Guddiga ayaa sheegay in mudada uu socday gurmadka inay qabteen lacag ka badan 4-milyan oo dollar, yadoona uu adeegaasi si toosa u gaaray dad ka badan 3 kun.

Tirada khasaaraha weerarkii Zoobe ayaa inta la qiyaasay ka sii korortay halkii ay markii hore aheyd,waxana haatan gudigu ay shaaciyeen in dhimashadu ay gaartay ilaa 655, dhaawacuna uu gaaray 303,dadkii ku agoontoobay ay iyana ku sheegeen 1,547 taas oo micnaheedu yahay in khasaarihii uu sababay qaraxaas uu kordhay.


Qaraxii Zoobe oo ahaa kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Afrika, ayaa wuxuu saameeyay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, maadaama Shabaab ay ka aa’museen, sidoo kalena aysan jirin cid gaar ah oo sheegatay.

Dhinaca kale, gudiga gurmadka qaran ayaa madaxda ugu sareysa ee dalka ugu baaqay inay ka faala qaadaan caruurtii ku agoontoobay dhacdadii 14-october Waxaana gudoomiyaha Gudiga Gurmadka qaran C/llaahi Shirwac uu sheegay in Hey’ad Kheyriya ah oo laga leeyahay Qadar iyo safaarada Imaaradka ay ka faala qaadeyn boqolaal kamid ah caruurta agoonta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment