Dareeska ayaa waxaa lagu wareejiyay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo ooga fadhiyo maareynta Dareeska cusub.
Saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa Dareeska ka gudoomay saraakiil kale oo ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi Turkiga oo iminka howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho.
Dareeska lagu wareejiyay Taliska ciidamada Xoogga ayaa isugu jira dhar, kabo iyo dhamaan agabka loo isticmaalo dareeska.
Dareeska ayaa waxaa si gaara loogu tallo galay inay isticmaalaan ciidanka Badda iyo kuwa Cirka ee dowlada Somalia.
Taliska ciidamada Xoogga, gaar ahaan Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, waxaa aad looga cabsi qabaa in Dareeskaas uu galo gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab iyadoo la adeegsanaayo isla Saraakiil ciidan oo ka tirsan Taliska.

Al-Shabaab ayaa si sahlan ku hela darees waliba oo loogu deeqo ciidamada dowlada, kuwaa oo helitaan kadib ay ku fuliyaan Ismiidaamin iyo weeraro toosa oo ay ku qaadan xarumaha dowlada.


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment