Prof Abdi Ismail Samatar oo ka hadlay Saamiga Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbara iyo wadada Dowladda Somalia u furan

Bulsha:-   Prof Abdi Ismail Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay heshiiskii dhex maray Maamulka Somaliland iyo Dalka Imaaraadka Carabta kaasoo ku saabsanaa sida loo qeybsanayo daqliga Dekadda Berbera.

Heshiiskaas ayaa waxaa 19% laga siiyey dowladda itoobiya, wuxuuna Prof-ka Su’aal geliyey sababta keeni karto in Itoobiya saami intaas la eg laga siiyo Dekadda Berbera.

Sidoo kale Prof-ka ayaa ka hadlay wadada iyo xalka ugu fudud oo ay dowladda Soomaaliya arrintaan ku wajihi karto.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka kasoo baxay Prof.  Cabdi ismaaciil Samatar

Ugu horeeynti walaalayaal waan idin salaamayaa,  tan xigta waxaan rabaa bal inaan hal iyo labo ka idhaahdo arinka berbera.
Waxaa layaab igu noqotay in dowlada Ethiopia 19/100 ku yeelato dakhliga kasoo xaroonaya dekada berbera,  waar shicbiga hargeeysow bal weeydiiya mexeey beey ku muteeysatay Ethiopia saamiga intaa la eg,  weligeed lama maqal lamana arag in dowladi dowlad kale kula share garoowdo ileheeda dhaqaalaha iyadoonan maalgashi ku sameeysan,  bal iminka weeydiiya Ethiopia ma Dubai ayeey ku darsatay lacag maalgashi,  inkastoo wasiirul khaarijiyaha Hargeeysa leeyahay waxbeey ku darsatay hadana ma ahan jawaab ina qancisa.

Emaaraatku wuxuu faragelin ba’an ku hayaa madaxbanaanida jamhuuriyada somaliya,  hase ahaatee waxaa iiga daran qolooyinkan xamar jooga ee fulin iyo baarlamaanba leh ee aanaanba garaneeyn halkeey ku socdaan, bal Hassan Ali kheeyre maxaa geeyay emaaraatka ayadoo halkaas heshiiska kan lagu saxiixayay?  Wexeey eheeyd in dowlada somaliya sii ogaataa waxa halkaas ka dhacayo intaanaan raisulwasaaruhu tegin halkaas,  runti arinkaas wuxuu weji gabax ku yahay xildhibaanada iyo xukuumada soomaaliya ee ayagu is heeysta.

Hadda maxaa inala gudboon?

Doowlada somaliya waa ineey wafdi ashtako ah u dirtaa xarunta midawga afrika iyo kan qaramada midoobay,  codsataana inaanan lagu xad gudbin madaxbanaanida jamhuuriyada federaalka soomaaliya.

Sidoo kale waa ineey u yeedhaa safiirada Mogadishu ka fadhiya emaaraatka iyo Ethiopia codsataana bal ineey arinkaa isaga ah faahfaahin ka bixiyaan.

Mahadsanidiin.

Prof Abdi Ismail Samatar










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment