Jawaari oo kala dhantaalay nidaamka xeerhoosaadka & hareer marka Dastuurka dalka (Akhriso xaqiiqda)

Bulsha:-   Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ku eedeeyay inuu laalay ku dhaqanka nidaamka xeerhoosaadka dalka.

Guddoomiye Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Xarunta Golaha Shacabka ayaa ku eedeysan inuu hareermaray Dastuurka, sidoo kalena diidan in lagu dhaqmo waxa loogu yeero xeerhoosaadka.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inay qabaan aragtida la xiriirta in Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari uu cagsi ku yahay Dastuurka dalka isla markaana burburinaayo, balse ay doorbideen in laga gudbo xiisada sii xoogeysaneysa.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari oo Mooshin sharci ah ka yaallo uu shir Gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka oo ay ku buriyeen Mooshinkii isaga laga keenay, taa oo cirka kusii shareertay xiisada.

Xildhibaanada dhaliilsan talaabada uu qaaday Jawaari, ayaa waxaa ku biiray Aqoonyahaano, Siyaasiyiin iyo waayo arag iyaguna qaba in Jawaari uu ka talaabay xeerka iyo waxa uu qabo Dastuurka dalka.

Aqoonyahaanada rumeysan in Guddoomiye jawaari uu ku tagri falay sharciga ayaa waxaa kamid ah Aqoonyahan Warsame Cismaan Xasan oo sheegay inuusan sharciga dhigeyn Gudoomiye Baarlamaan oo ka yaalla Mooshin uu Shir Gudoomiyey  kulan Guddiyada Joogtada ah ay leeyihiin, sidoo kalena isla kulankaasi lagu go’aamiyo inuu buray Mooshinka.

Aqoonyahan Warsame Cismaan Xasan, ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu si cad u hareermaray Dastuurka Somaliya, loona baahan yahay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku dhaqmo Dastuurka dalka u yaallo ama baneeyo kursiga.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku riyaaqsan yahay xiisada baarlamaanka oo cirka isku shareerta, kadib markii uu diiday ku dhaqanka iyo nidaam xal ugu raadinta Xeer hoosaad, islamarkaana keeni kara in isfahan laga gaaro khilaafaadka kala duwan ee xilligaan taagan.

Mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanada, ayaa sidoo kale waxaa eedeyntooda ka mid ahaa in Gudoomiye Jawaari uu afduubtay Baarlamaanka, sidoo kalena uu ku fashilmay arrimaha la xiriira Guddiyada Baarlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee, Xiisada baarlamaanka Somalia ayaa cirka isku shareertay kadib markii 117 Xildhibaan ay Mooshin ka keentay Guddoomiye Jawaari, inkastoo saacadihii ugu danbeysay ay Mooshinka ka laabteen 17 Xildhibaan oo daaha gadaashii weli ka hagaaya Mooshinka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment