Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay xiisada ka taagan Beled-xaawo, Baaqna Shacabka ku nool u diray (WARAYSI)

Bulsha:-  Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beledxaawo, ee ka dhalatay darbiga ay Kenya dhiseyso, waxaana uu baaq u diray shacabka ku dhaqan degmadaas, Wuxuuna sheegay in aanay aheyn markii ugu horeysay ee ay Kenya dhul qabsato, balse horay Kenya ugu soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in falkan ay Kenya ka wado Beledxaawo uu yahay daan-daansi qaawan, isagoo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu raalli ka yahay xadgudubka ay Kenya wado, isagoo intaa ku daray in aysan marnaba Kenya u suura geli doonin inay heysato dhul Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Beledxaawo inay ka dhiidhiyaan xadgudubka Kenya, gaar ahana dadkii guryahooda la dumiyay, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan ololaha au wadaan shacabka Beledxaawo ee ay isaga difaacayaan Kenyanka ku soo duulay sida uu yiri.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment