Sawiro: Al-shabab oo Odayaal u tababaray toogashada

Bulsha:-  Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasa Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe u qabtay tartan dhinaca toogashada ah iyada oo lagu tartamayay toogashada qoryaha AK47.

Fagaare ku yaalla Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa la isugu geeyay tiro dad ah oo daawadaal ka ahaa tartanka Odayaasha ee dhinaca toogashada la xiriira.

Al-shabaab ayaa Odayaashan horay ugu tababaray dagaalka,waxaana tartankan loogu talagalay in lagu ogaado heerka toogashada Odayaashan oo Ciidan ahaan loogu talagalay.
Al-shabaab waxaa ay inta badan tababaraan Odayaasha Haweenka iyo dhallinyarada degaannada ay ka maamulaan dalka iyaga oo ugu talagalay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment