Xuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho

Bulsha:-   Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaaldageysa sanadguuradii koowaad ee markii sida lama filaanka ah xilka loogu doortay Madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xuska maalintan ayaa loo bedelay adeeg caafimaad oo loo fidinayo dadka danyarta ah, iyadoo teendhooyin lagu xarashay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynaah la suray meelo ka tirsan Caasimadda, waxaana dadweyne fara badan ay saf u galeen adeegga caafimaad ee madaxtooyada ay u fidisay dadka.



Ciidamada amniga ayaa la dhigay Waddooyinka waaweyn, waxaana la arkay iyadoo Biyo iyo dhagxaan lagu gooyay qeylo ka mida Waddooyika laga soo galo jidka Maka Al-Mukarrama. Sidoo kale Jidka Wadnaha oo ka mida kuwa ugu waaweyn ayaa iska xiran.
Waxyaabihii ugu weynaa ee xilligii doorashada uu madaxweyne Farmaajo balanqaaday ayaa waxaa ka mid ahaa inaan Wadooyin loo xiri doonin, arrintaasoo ka mid noqday balanqaayada aan fulin ee Madaxweyne Farmaajo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment