MUUQAAL: Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo is Casilay

Bulsha:- Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa goor dhow shaacisay in Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn uu gudbiyay warqadiisa is casilaada ah.


Mr Desalegn oo xukunka la wareegay sanadkii 2012, kaddib geeridii Meles Zanawi ayaa wajahayay caqabado iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo bilihii la soo ka jiray dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.

Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.

Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemarima ayaa waji cusub gelineysa xaalada dalka Itoobiya.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment