Bulsha:- Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa goor dhow shaacisay in Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn uu gudbiyay warqadiisa is casilaada ah.
Mr Desalegn oo xukunka la wareegay sanadkii 2012, kaddib geeridii Meles Zanawi ayaa wajahayay caqabado iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo bilihii la soo ka jiray dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.
Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.
Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemarima ayaa waji cusub gelineysa xaalada dalka Itoobiya.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment