Waddamada go’doomiyay Qadar oo cambaareeyay Qaramada Midoobey

Bulsha:- Warbixin wadajir ah oo ay soo saareen Afarta dalka ee Sanadkii hore go’doomiyay dalka Qadar ayaa cambaareyn kala duldhacay Qaramada Midoobey kaddib markii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ku sheegtay in Qadar lagu hayo ficillo ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah.

Guddi ka socda Qaramada Midoobey ayaa 24kii Novermber ee sanadkii la sooo dhaafay waxaa ay booqdeen Dooxa iyaga oo la kulmay Madaxda iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha Dalka Qadar.

Waddamada Baxreyn,Masar,Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobey in ay la safatay dal ka mid ah Caalamka oo dhibaato iyo faragelin ku haya madaxbanaanida dalalka kale.

Waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in iyaga aysan la dagaashaneyn dadka u dhashay dalka Qadar hayeeshee nidaamka ka jira Qadar uu yahay mid qatar ku ah amnigooda.

Waxaa ay sheegeen in shacabka Dalka Qadar iyo shacabkooda ay yihiin walaalo,isku qabiil iyo isku umad sidaas darteedna ay Qaramada Midoobey tahay in ay qirto oggolaanshaha difaaca madaxbanaanida dad kasta.
Waddamada isbaheysiga Carabta aya aQadar ku eedeeyay taageeridda argagixisada Caalamka,faragelinta arrimaha waddamada kale ee deriska la ah iyo baahinta xagjirnimada Caalamka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment