Maxaa ka jira inay Dawladda Shiinuhu Basaasto Xarrunta Midowga Afrika ?

Bulsha:- Dowladda Shiinaha ayaa beenisay warbixin lagu baahiyey wargeyska Le Monde ee kasoo baxa dalka Fransiiska oo aheyd in Shiinaha uu howlo basaasnimo ah ka wado dhismaha ururka midowga Afrika ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhismahan oo ka kooban 20 dabaq ayuu haddiyad ahaan Shiinuhu ugu deeqay Afrika, waxaana dhismahan la dhameeyey sannadkii 2012-ka, waxaana ku baxay lacag dhan laba boqol milyan oo doolar.

Sida uu kusoo warramay wargeyska Le Monde, shaqalaaha xarrunta midowga Yurub waxaa ay ogadeen in maclumaadka xarruntani lala baxay saqda dhexe, loona wareejiyay qalab yaalo magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, taaso ka dhigan baa la yiri in Shiinuhu uu si toos ah u helo maclumaadka sirta ee midowga Afrika.
Safiirka Shiinaha ee midowga Afrika ayaa warbixinta ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment