Shabaab oo soo bandhigay waxa uu salka ku hayo Khilaafka kala dhexeeya Mukhtaar Rooboow.

Bulsha:- Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab  Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa markii uhoreysay ka hadlay isa soo dhiibitaanka Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa Saraakiisha ugu sarsareysa Al-Shabaab.

Rooboow ayaa Dowladda Somaliya isku soo dhiibay 13-kii Augost Sanadii ina dhaaftay ee 2017, Isagoo iska dhiibay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, Wuxuuna sanadihii danbe ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Abal oo 18 km ujirta Xarunta Gobolka Bakool.

Cali dheer oo soo diray Fariin Maqal eheyd oo soconeysa 38 Daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ayuu kaga hadlay dagaalka ay ka wadaan Somaliya iyo waxa ay salka ku heyso Khilaafka Shabaab iyo Rooboow.

Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay mowqifka Shabaab ee Muqtaar Roobow ayaa waxa uu sheegay in uu muddo dheer uu soo jiray kala duwanaanshiyo u dhaxeeyay Shabaab iyo Muqtaar Roobow kaas oo ku qotomay arrimo badan oo ay xitaa caqiidada ka mid tahay.

“Arrinta 1-aad: Waxaa la ogsoon yahay in waddanka ay aad ugu baahsanayeen hay’ado shisheeye oo ku gabyayay in ay yihiin samafal, kuwaas oo ku hayay dalka boob, iyo ragaadin dhaqaale, faafinayay Diintooda, anshax xumo, iyo cuduro.” Ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay intaasi kadib Shabaab in ay bilaabeen dabagal ay ku sameeyaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen goobaha ay maamulaan Shabaab, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee ay ka wadeen dalka. balse wuxuu sheegay arrintaasi in ay u cuntami waysay Muktaar Roobow, oo uu sheegay inuu garabka saarto hayadaha, difaacana ajandayaashooda, isagoo sheegay inuu xiriro hoose la lahaa, lana qaadanayay shirar hoose.

Wuxuu kaloo sheegay Cali Dheere in arrintaasi hoggaanka Shabaab aanan laga hor istaagin in ay talaabo ka qaadaan hay’adahaas, ilaa ugu dambayntii uu sheegay in ay ka saaraan gebi ahaanba degaanada Shabaab ay maamulaan.

Wuxuu sheegay intaasi kadib Roobow inuu sii waday xiriiradiisii iyo ballan qaadyadiisa, isagoo in badan ku goodin jiray inuu ka baxayo Al-Shabaab, kana hadlayo warbaahinta, kana dhaleeceynayo hadaan loo yeelin sida uu doonayo.

Arinta 2-aad: Sheekh Cali ayaa arrinka labaad ee ay isku qabsadeen Roobow wuxuu ku sheegay in ay tahay mid uu Muqtaar ku doonayay in loo hogaansamo dalabaadka qaar ka mid ah dowladaha shisheeye islamarkaana wadada hadal lala galo Beesha Caalamka.

“Arinta 3-aad ee ay isku hayeen Mukhtaar iyo Shabaab ayaa ah mid caqadiya sida uu asaguba sheegtay taas oo ah mawqifka diiniga ah ee waajibka tahay in laga qaato waxa loogu yeero Beesha caalamka, kaas oo ay xarakadu ka qaadatay mawqifkii nabiyyullaahi ibraahiim CS.” Ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoolo isagoo la jooga Al-shabaab sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay Shabaab ay uga hor tageen sidii loogu tala galay.

Sheekh Cali Dheere oo arrintaas sii faah faahinaya ayaa waxa uu yiri: “Qorshaha Dowladaha shisheeye ay damacsanaayeen ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowladda Mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowladda Itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay Dowladaha shisheeye  soo dhiibeen in badan oo ka mid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.”

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in aysan Abuu Mansuur u hir gali doonin danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay, sida uu sheegay islamarkaana uu mari doono dariiqii ay mareen rag isaga uga horreeyay oo ay kamid yihiin Axmad Madoobe iyo Shariif Sheekh Axmed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment