Sawiro: Ciidamada Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Burcad Mooto Bajaaj dadka ku dhacda

Bulsha:-  Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo bandhigeen 4 wiil oo lagu eedeeyay in ay Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.

Kooxdan ayaa si weyn uga qaraaban jirtay degmada Howlwadaag iyo agagaarka suuqa bakaaraha, waxaaan lagu soo bandhigay saldhigga Booliska Howlwadaag. Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble inay howlgalka iska kaashaadeen Booliska, Nabadsugidda iyo sahcabka.

Burcad ka kooban 4 nin oo watay Bistoolad iyo Mooto ay dadka ku dhici jireen ayaa lasoo bandhigay, waxaana la sheegay in sharciga la horgeyn doono, iyadoo dadka degaanka ay muddooyinkan ka cabanayeen dhaca lagu fuliyo mootooyin.

Raggan ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho,waxaan saxaafadda horgeeyay Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble.
Qaasim waxaa uu sheegay in Dhallinyaro badan ay Habeenkii dhac ka geystaan Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dadka ka qaata Taleefannada iyo lacagaha caadiga ah ee ay wataan.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment