Daawo Video: Khudbadii Madaxwayne Farmaajo ee Gaalkacyo iyo Arin Farxad Badan oo Shacabka uu la Wadaagay

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxwaynaha Puntland.


Soo dhoweynta ballaadhan ee loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Gaalkacyo u jeediyey Khudbad Qiimo badan, Wuxuuna ku dheeraaday Muhiimada ay Gaalkacyo oo Nabad ah u leedahay guud ahaan Soomaaliya, Wuxuuna halkaasi ka sheegay Arin Farxad gelisay Bulshada isagoo sheegay inay midayn doonaan Gaalkacyo.
Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho iyo Boosaaso, kaasoo ka mid aheyd Faras.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment