Somaliland oo raadineysa fure isgaarsiineed oo ka duwan 252 (Maxay Kula Tahya Adiga)

Bulsha:- Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/Wali C/llahi Suufi ayaa sheegay in kaddib xilka cusub ee loo magacaabay uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu raadinayo furaha Boostada iyo midka Simcard-ka,sida uu sheegay waxaana uu intaas ku daray in shaqada uu wasaaraddiisa qabanayo ay noqoneyso in uu Maamulka Somaliland u helo furo Taleefan oo madaxbanaan.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in qorshahiisa ugu weyn yahay in Somaliland aysan waxba la wadaain Soomaaliya dhinaca isgaarsiinta.

Waxaa uu ka hadlayay kulankii shalay Golaha wakiillada SOmaliland ay codka kalsoonida ku siinayeen qaar ka mid ah Wasiirrada uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi oo uu isaga ka mid ahaa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment